• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Laftagareen oo qorsheynaya inuu dib ugu laabta Koonfur Galbeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Laftagareen oo qorsheynaya inuu dib ugu laabta Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa lagu soo warramayaa inuu qorsheynayo dib ugu laabashada siyaasadda maamulkaasi, xilli isaga iyo xulafadiisa ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan magaalada Nairobi.

Afhayeenkiisa, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo hoggaankii hore ee Koonfur Galbeed, isaga oo ku tilmaamay mid ku yimid hannaan sharci iyo dastuur waafaqsan.

Wuxuu xusay in qorshahaasi uu yahay mid lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo nidaamkii dowladnimo ee maamulka, islamarkaana la xaqiijiyo in rabitaanka shacabka uu noqdo saldhigga maamulka.

Afhayeenka ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay taageeraan dadaallada lagu soo celinayo maamulkii hore, isaga oo tilmaamay in arrintani muhiim u tahay ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah iyo madax-bannaanida maamulka.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka Laftagareen ayaa sidoo kale lagu xusay in 28-ka Abriil ay tahay maalin xusuus gaar ah u leh shacabka Koonfur Galbeed, maadaama ay ku beegan tahay sanad-guuradii dib-u-doorashadii Laftagareen.

Dhanka kale, xulafada Laftagareen ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku sameysay maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ay sheegeen inay wiiqday hay’adihii dastuuriga ahaa iyo nidaamka federaalka.

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay tahay mid xasaasi ah, iyadoo magaalada Baidoa ay martigelineyso tartan siyaasadeed iyo loollan ku saabsan hoggaanka maamulka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.