Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheik Maxamuud, ayaa jawaab ka bixiyay hadallo adag oo uga yimid madaxweynihii hore ee dalka Maxamad Cabdullahi Famajo, kuwaas oo la xiriiray siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dowladda hadda jirta.
Khudbad uu ka jeediyay casho sharaf uu ku maamuusay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka duwan tahay habkii maamulkii ka horreeyay, isaga oo xusay in uu doorbiday wadatashi iyo wada-hadal siyaasadeed.
Jawaabta madaxweynaha ayaa timid kadib markii Farmaajo uu wareysi ku dhaliilay hoggaanka Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay inuu ka liito maaraynta siyaasadda gudaha iyo dibadda, isla markaana uu dhaawacayo sumcadda dalka.
Xasan Sheekh ayaa difaacay habka dowladdiisu u wajahday arrimaha doorashooyinka, isaga oo sheegay in uu la tashaday dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed, si loo helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku adkeystay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan inay si toos ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed.
Wuxuu tilmaamay in dhismaha xisbiyada siyaasadeed iyo ballaarinta ka-qaybgalka shacabka ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo muran siyaasadeed oo xooggan oo la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo dowladda, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ay isku khilaafsan yihiin hannaanka loo marayo.
DAAWO


















