• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

La-taliyihii Madaxweynaha oo iscasilay kadib khilaaf siyaasadeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
La-taliyihii Madaxweynaha oo iscasilay kadib khilaaf siyaasadeed
Share

Wararka24: Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in go’aanka iscasilaaddiisa uu qaatay kadib markii ay isku fahmi waayeen jihada siyaasadeed ee dalka iyo sida loo wajahayo marxaladda kala guurka ah ee hadda taagan.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xusay in khilaafkaasi uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, kuwaas oo uu aaminsan yahay inay keeni karaan xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in muddo xileedka hay’adaha dowladda Federaalka uu ku egyahay bartamaha bisha May 2026, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo xal mideyn kara dhinacyada kala duwan ee siyaasadda si looga hortago qalalaase hor leh.

Iscasilaaddan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in horey ay xilalka uga tageen ama uga fogaadeen siyaasadda dhowr shaqsi oo si dhow ula shaqeynayay madaxweynaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Odawaa iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa muujinaya isbeddelka iyo kala aragti duwanaanta sii kordheysa ee ka dhex jirta saaxadda siyaasadeed ee dalka.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.