• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo ka hadashay mudaharaadyada mucaaradka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Federaalka oo ka hadashay mudaharaadyada mucaaradka
Share

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray mudaharaadyada iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay wadaan xubno ka tirsan mucaaradka gudaha Muqdisho.

Wasiirka ayaa si adag u dhaliilay habka ay mucaaradku u wajahayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo sheegay in dhaq-dhaqaaqyadooda ay muujinayaan hoos-u-dhac siyaasadeed iyo fashil ku yimid qorshahooda siyaasadeed.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay u weydeen taageero dadweyne, taasina ay sababtay inay bilaabaan mudaharaadyo iyo ololeyaal uu ku tilmaamay kuwo aan saameyn weyn lahayn. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inay isku dayayaan qalqal-gelinta amniga iyo marin-habaabinta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda aysan oggolaan doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga iyo dowladnimada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la fashilin doono tallaabo kasta oo halis gelin karta xasilloonida dalka.

Dhanka kale, wuxuu shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay uga feejigan yihiin dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu sheegay inay hore ugu hungoobeen mas’uuliyado dowladeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya kadib markii toddobaadkii hore siyaasiyiin mucaarad ah iyo taageerayaal dhalinyaro ah ay mudaharaad ka dhan ah dowladda ku qabteen xarunta Himilo Qaran ee Muqdisho, iyagoo dalbanayay in la sii daayo xubno ka tirsan dhalinyarada xisbiga oo dowladda u xiran.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.