• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump
Share

Wararka24: Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa si kulul uga hadlay isku daygii weerar ee lala beegsaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay inuu ka naxay dhacdadaasi isla markaana uu cambaareynayo.

Cirro ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay taageerada ay xukuumaddiisu u hayso dowladda Mareykanka iyo shacabka Mareykanka, isaga oo sheegay in weerarrada noocan ah ay khatar ku yihiin xasilloonida iyo amniga siyaasadeed.

“Aad ayaan uga naxay ugana xumahay isku daygii weerar ee lagu qaaday madaxweyne Trump. Waxaan garab taaganahay Mareykanka,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin hubeysan uu isku dayay inuu jebiyo amniga goobta lagu qabanayay casho-sharafeedka wariyeyaasha Aqalka Cad ee ka socday Hotelka Washington Hilton, halkaas oo Trump iyo saraakiil sare oo Mareykan ah ay ku sugnaayeen. Sida wararku sheegayaan, ciidamada United States Secret Service ayaa si degdeg ah uga falceliyay, iyagoo ka saaray goobta madaxweynaha iyo martidii kale.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Trump uu badqabo, halka hal askari oo ka tirsan ilaalada gaarka ah uu dhaawac fudud kasoo gaaray dhacdada kadib markii xabbad ku dhacday jaakaddiisa xabadda celisa.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha oo lagu magacaabay Cole Tomas Allen, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarkaasi.

Falcelinta Somaliland ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka, iyadoo arrintan loo arko fariin muujinaysa garab istaag siyaasadeed oo ku wajahan Washington.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.