• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cabdi Xaashi oo dhaliilay hay’adaha dowladda iyo sharciga

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cabdi Xaashi oo dhaliilay hay’adaha dowladda iyo sharciga
Share

Wararka24:Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa si adag u dhaliilay hay’adaha dowladda, isagoo ku eedeeyay inay ku guuldaraysteen fulinta iyo ilaalinta shuruucda dalka, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta doorashooyinka iyo dhammaadka muddo xileedka madaxda.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu dib ugu soo laabanayo fagaaraha siyaasadda kaddib muddo uu ka maqnaa, isagoo xusay in maqnaanshihiisa uu la xiriiray xaalad caafimaad, balse hadda wixii ka dambeeya uu si joogto ah uga qayb geli doono doodaha siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa si cad u sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ay tahay ku dhaqmi la’aanta sharciga, isagoo tilmaamay in mas’uuliyaddaasi ay wada saaran tahay dowladda iyo bulshada. “Dowladdu waa inay sharciga fulisaa, laakiin annaga lafteennu waa dowladdii, haddana sharciga ma raacno, ayuu yiri.

Hadalka Cabdi Xaashi ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan murannada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, kuwaas oo dhaliyay kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo baahsan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaan muddo ka muuqan fagaaraha siyaasadda tan iyo markii ay cirka isku shareereen xiisadaha horraantii sanadkan, kuwaas oo la xiriiray arrimaha doorashada iyo isbeddellada sharciyeed ee ay wado dowladda federaalka.

Cabdi Xaashi ayaa hore uga mid ahaa siyaasiyiintii si cad uga horyimid muddo kordhintii loo sameeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2021, xilli uu jiray khilaaf xooggan oo doorasho.

Soo laabashadiisa ayaa imaaneysa iyadoo dalka uu wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed oo cusub, isla markaana weli la isku mari la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo jihada dowladnimada mustaqbalka.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in mowqifka uu qaato Cabdi Xaashi maalmaha soo socda uu saameyn ku yeelan karo isku dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka, maadaama uu yahay shaqsi leh miisaan culus oo ka dhex muuqda siyaasadda Soomaaliya.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.