Wararka24:Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu badqabo kadib dhacdo toogasho ah oo ka dhacday meel u dhow munaasabad ka socotay magaalada Washington.
Dhacdadan ayaa ka dhacday xilli uu socday casho-sharafeedka White House Correspondents’ Dinner, oo ka mid ah munaasabadaha ugu waaweyn ee ay ka qeybgalaan madaxda sare iyo saxafiyiinta.
Sida wararka lagu helayo, nin hubeysan ayaa rasaas ka furay agagaarka goobta, taas oo keentay in ciidamada ilaalada madaxtooyada ee United States Secret Service ay si degdeg ah u daadgureeyaan madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale oo goobta ku sugnaa.
Goobta waxaa ku sugnaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance iyo marwada koowaad Melania Trump, kuwaas oo dhammaantood si nabad ah looga saaray goobta.
Trump ayaa sheegay in markii hore uu u qaatay dhawaaqa mid caadi ah, balse ilaalada ay si degdeg ah uga falceliyeen xaaladda, taasoo ka hortagtay waxyeello weyn. Waxaa sidoo kale la sheegay in askari ka tirsan ilaalada uu ka badbaaday rasaas uu qabtay jaakaddiisa xabadda celisa.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha oo lagu magacaabo Cole Allen, oo 31 jir ah kana soo jeeda gobolka California. Wararka ayaa sheegaya inuu watay hub kala duwan, inkastoo aan weli la shaacin ujeeddada ka dambeysay falkaas.
Hay’adaha ammaanka ayaa wada baaritaan dheeraad ah, iyagoo isku dayaya inay ogaadaan sababta dhacdadan iyo haddii ay jirto halis kale oo la xiriirta.
Dhacdadan ayaa mar kale muujineysa heerka sare ee amniga ee ku xeeran madaxda Mareykanka, iyo sida degdegga ah ee loo maareeyo xaaladaha khatarta ah.


















