• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo dalab culus u gudbiyay Turkiga

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo dalab culus u gudbiyay Turkiga
Share

Wararka24:Mucaaradka oo dalab culus u gudbiyay Turkiga Siyaasiyiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Turkiga ee dalka, Alper Akta, iyaga oo ka hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho, isla markaana u gudbiyay dalabyo la xiriira doorka Ankara.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii Turkigu u qaadan lahaa door dhexdhexaadnimo oo ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee taagan. Wuxuu xusay in mucaaradku ay si gaar ah uga codsadeen Ankara inay ka qeyb qaadato xalinta ismariwaaga jira.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay Turkiga kala hadleen in aan la adeegsan diyaaradihiisa arrimo siyaasadeed, gaar ahaan waxyeello u geysan kara mucaaradka, maadaama ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee gudaha caasimadda.

Warsame ayaa tilmaamay in mucaaradka ay doonayaan in xal siyaasadeed oo wadahadal ku dhisan laga gaaro arrimaha la isku hayo, isla markaana la helo heshiis ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada.

Dhankiisa, mucaaradka ayaa sidoo kale muujiyay in ay ka walaacsan yihiin mustaqbalka dowladnimada, iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo hay’adaha dalka isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta burbur siyaasadeed.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka ee ka socda magaalada Mogadishu, halkaas oo ay kulamo la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada si ay uga tashadaan xaaladda dalka.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad hubanti la’aan ah oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda uu hoggaamiyo Hassan Sheikh Mohamud.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.