Wararka24: Wararka laga helayo gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in markab siday shidaal lagu afduubtay xeebaha u dhow degmada Bandarbayla, kadib weerar ay fuliyeen koox burcad-badeed ah.
Markabkan oo laga leeyahay dalka Pakistan ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday dekedda Garacad, waxaana saarnaa 11 shaqaale ah oo u kala dhashay Pakistan iyo Hindiya, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Sida wararku tilmaamayaan, afduubka ayaa dhacay xilli markabku marayay meel qiyaastii 30 mayl u jirta Bandarbayla, ka hor inta aan loo jiheynin xeebaha. Waxaa sidoo kale la sheegay in markabka loo wareejiyay deegaan lagu magacaabo Dharinbaar, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxdii afduubka geysatay.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in kooxda burcad-badeedda ay haatan wajahaan cadaadis uga imaanaya bulshada deegaanka iyo mas’uuliyiinta Puntland, kuwaas oo doonaya in xaaladda si degdeg ah loo xalliyo. Waxaa jira warar muujinaya in kooxdu ay ka fiirsaneyso inay ka degto markabka, maadaama shidaalka uu u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed.
Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan dhacdo la mid ah ay ka dhacday isla aagga, halkaas oo koox burcad-badeed ah ay madax-furasho ka qaateen markab kalluumeysi oo ay haysteen. Tani waxay sare u qaadaysaa walaaca laga qabo dib u soo laabashada burcad-badeednimada.
Xeebaha Soomaaliya ayaa muddo dheer la tacaalayay falalkan, kuwaas oo heerkii ugu sarreeyay gaaray sanadkii 2011, markaas oo weerarro badan laga diiwaangeliyay biyaha ku dhow Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Dhacdadan ugu dambeysay ayaa muujineysa caqabadaha weli ka jira sugidda amniga badda, inkastoo ay jireen dadaallo caalami ah oo lagu yareynayo burcad-badeednimada.


















