• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Hub ka dhigis lagu sameyay mas’uuliyiin taabacsanaa Lafta-gareen

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Hub ka dhigis lagu sameyay mas’uuliyiin taabacsanaa Lafta-gareen
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday tallaabooyin hub ka dhigis ah oo lagu beegsanayo qaar kamid ah mas’uuliyiintii taabacsanaa maamulkii hore ee Cabdicasiis Lafta-gareen, si loo xakameeyo xaaladda kacsan ee ka jirta Baydhabo.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay si gaar ah u bartilmaameedsadeen mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, iyagoo ka uruurinaya hubka iyo ilaalada, tallaabadaas oo lagu sheegay mid lagu sugayo amniga guud ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in hubka lagala wareegay Maxamed Yuusuf, oo ahaa wasiir ku xigeenkii amniga Koonfur Galbeed, isla markaana laga qaaday ciidankii ilaalada u ahaa, kadib markii lagu tuhmay inuu xiriir la lahaa mas’uuliyiintii hore ee maamulka.

Sidoo kale, duqa Baydhabo Cabdullaahi Watiin ayaa la geliyay xabsi guri, iyadoo laga qaaday ilaaladiisii, kadib tuhunno la xiriira dhaqdhaqaaqyo amni oo ka dhacay magaalada.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallo ay dowladda ku xasilinayso xaaladda, kaddib markii ciidamo taabacsanaa Lafta-gareen ay horay uga baxeen Baydhabo kuna sii jeesteen gobolka Gedo, iyagoo wata hub iyo gaadiid dagaal.

Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda federaalka ay qorsheyneyso inay ka qabato deegaannada Koonfur Galbeed doorashooyin qof iyo cod ah, taas oo ay diidan yihiin qaar kamid ah dhinacyada siyaasadda iyo ciidamada taageersan maamulkii hore.

Xaaladda guud ee Baydhabo ayaa weli ah mid feejignaan leh, iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo amni oo joogto ah, islamarkaana la sugayo sida ay wax u sii socdaan maalmaha soo socda.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.