• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray xarunta Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray xarunta Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, isagoo ku dhawaaqay in dalka uu si dhab ah ugu jihaysan yahay ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay bad aad u ballaaran oo ka weyn dhulka dalka, balse aan weli si buuxda looga faa’iidaysan, taas oo uu ku tilmaamay fursad dhaqaale oo weyn oo u baahan in si xeel dheer loo maareeyo.

“Waxaan rabnaa in qarnigan 21-aad aan iswaafajino nolosheenna iyo kheyraadka dabiiciga ah ee aan haysanno. Meesha horumarku naga jiro waa badda,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto khayraadka badda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdu mudnaan gaar ah siinayso sugidda amniga badda, ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo ka hortagga xaalufinta, si loo xaqiijiyo in si waara looga faa’iidaysto khayraadkaasi.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta deegaanka badda ay tahay arrin muhiim ah, isla markaana ay socdaan qorshayaal lagu xoojinayo maareynta isticmaalka kheyraadka badda si aan loo dhaawicin deegaanka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in badda laga dhigo laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in markii ugu horreysay si rasmi ah looga bilaabayo shidaal qodis badda gudaheeda, gaar ahaan ceelka lagu magacaabo Curad-1.

DAAWA


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.