Wararka24: Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa jawaab adag siiyay xubnaha mucaaradka ee ka wada dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay inuu la yaabay hadallada mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay si khaldan uga faa’iideysanayaan xaaladaha shacabka. Wuxuu xusay in hadalladooda ay muujinayaan walaac ay ka qabaan horumarka dalka.
Cabdulqaadir Jaamac ayaa ku dooday in mucaaradku aysan si dhab ah ugu faraxsanayn in Soomaaliya ka baxdo faqri, isla markaana laga faa’iidaysto kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka. Wuxuu hadalkiisa ku daray in arrintaasi ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah mucaaradka inay wataan ajandayaal dibadeed. Wuxuu sheegay in dowladdu aysan oggolaan doonin tallaabo kasta oo dib u dhigaysa horumarka iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa sii wada dhaleeceynta ay u jeedinayaan dowladda Federaalka. Waxay ku eedeeyeen hoggaanka dalka inuu qorsheynayo inuu sii haysto xukunka ama qabto doorasho aan loo dhanayn.
Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wax uu ku tilmaamay laba doorasho oo aan cadaalad ahayn. Wuxuu xusay in dalka uu u baahan yahay hannaan doorasho oo lagu heshiiyo.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad ku saabsan doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, taas oo sii kordhisay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.















