• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Somaliland oo ka hortimid mowqifka DF ee safiirka Israa’iil

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Somaliland oo ka hortimid mowqifka DF ee safiirka Israa’iil
Share

Wararka24: Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu diiday magacaabista safiir ay Israa’iil u dirtay Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in eedeymaha Muqdisho ay yihiin kuwo aan sal sharci lahayn, isla markaana ka fog xaqiiqada taariikhiga ah iyo tan siyaasadeed ee Somaliland.

Somaliland ayaa ku adkaysatay mowqifkeeda ah inay tahay dal madax-bannaan oo xornimadiisa qaatay 26-kii June 1960, islamarkaana aanay madax-bannaanideedu ku xirnayn ama ka imanayn Muqdisho.

Sidoo kale, waxay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci u lahayn inay ka hadasho ama farageliso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka kale, iyadoo arrintaas ku tilmaantay mid ka mid ah xuquuqaha dowladnimo ee ay leedahay Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale dood ka keentay arrinta midnimada Soomaaliya, iyadoo sheegtay in midowgii 1960 aanu lahayn sal sharci oo adag, isla markaana ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sanadkii 1991.

Dhanka kale, Somaliland waxay xustay inay dhistay hay’ado dimuqraadi ah, qabatay doorashooyin kala duwan, isla markaana ay ilaalisay amniga gudaha, iyada oo door ka qaadatay la dagaallanka argagixisada iyo sugidda marin-biyoodka gobolka.

Gabagabadii, Somaliland ayaa caddeysay inay diyaar u tahay wada noolaansho nabadeed iyo iskaashi caalami ah, balse ay madax-bannaanideedu tahay mid aan gorgortan geli karin, isla markaana ay si madax-bannaan u maamulan doonto xiriirradeeda dibadda.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.