• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Muqdisho oo lagu qabtay bandhig farshaxan oo caalami ah+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 4 mins read
Muqdisho oo lagu qabtay bandhig farshaxan oo caalami ah+sawiro
Share

Wararka24: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay bandhig lagu soo bandhigay Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya ee Somalia National Pavilion.

Kulankan oo ay martigelisay Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin dowladeed, diblomaasiyiin, bahda dhaqanka, waxbarashada iyo farshaxamiistayaal, kuwaas oo goob joog ka ahaa bandhigga.

Bandhiggan ayaa horudhac u ah ka qeybgalka Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah ee Farshaxanka Venice Biennale, kaas oo sanadkan ka dhici doona magaalada Venice, laguna wado inuu socdo inta u dhexeysa bilaha May ilaa November 2026.

Sannadkan, Soomaaliya waxaa lagu matali doonaa saddex gabdhood oo farshaxamiistayaal ah, kuwaas oo soo bandhigi doona dhaqanka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan farshaxanka, fooxa iyo suugaanta.

Bandhigga Venice Biennale ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee caalamka, waxaana ka qeyb gala in ka badan 90 dal, oo ay ku jiraan dalal Afrikaan ah, iyadoo dal kasta uu leeyahay goob u gaar ah oo uu ku soo bandhigo dhaqankiisa.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay in ka qeybgalka bandhiggan uu Soomaaliya u yahay fursad muhiim ah oo lagu muujinayo dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, isla markaana lagu gaarsiinayo caalamka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta dhaqanka iyo taageeridda fanaaniinta Soomaaliyeed si ay uga muuqdaan masraxyada caalamiga ah.

Bandhiggan ayaa muujinaya dadaallada lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo la rajeynayo inuu kor u qaado sumcadda dalka ee caalamka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.