Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo caawa shir xasaasi ah ku leh Muqdisho

Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay caawa yeeshaan shir xasaasi ah oo ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 15, 2026, 5:51 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo caawa shir xasaasi ah ku leh Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay caawa yeeshaan shir xasaasi ah oo ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in siyaasiyiintan ay isugu tegi doonaan guriga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yeelanayaan kulan wadatashi ah.

Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro marxaladda kala guurka ah ee uu galay dalka, gaar ahaan kadib dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku ekaa 14-ka April 2026.

Wararka ayaa tilmaamaya in mucaaradka ay soo saari doonaan go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sida loo wajahayo xaaladda siyaasadeed, iyagoo hore uga digay halista firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeyn doonaa qodobadii kasoo baxay shirkii hore ee Nairobi iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan ee la xiriira dowladda federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka haray muddo ku dhow 30 maalmood, iyadoo aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, taas oo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed.

Xubnaha ka qeyb-galaya shirka ayaa inta badan ka socda Muqdisho, waxaana la sheegay inay qaadanayaan masuuliyad dheeri ah marka loo eego xubnaha kale ee mucaaradka.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysaneyso hubanti la’aanta doorashooyinka iyo muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka, iyadoo mucaaradka iyo maamul-goboleedyada qaar ay si adag uga horjeedaan qorshaha dowladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad xasaasi ah oo u baahan xal siyaasadeed oo degdeg ah si looga fogaado qalalaase hor leh.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

9 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

9 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.