Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cumar Cabdirashiid oo sheegay fursadda u hartay Xasan Sheekh

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaciyay in dalka uu galay marxalad xasaasi ah kadib dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku ekaa 14-ka April 2026.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 15, 2026, 2:39 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Cumar Cabdirashiid oo sheegay fursadda u hartay Xasan Sheekh
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaciyay in dalka uu galay marxalad xasaasi ah kadib dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku ekaa 14-ka April 2026.

Qoraal uu soo saaray, ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay wajahday firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed, taas oo keeni karta jahwareer ku yimaada hay’adaha dowliga ah iyo geedi-socodka dimuqraadiyadeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay hadda ku shaqeyneyso xaalad uu ku sifeeyay “waqti amaah ah,” isla markaana ay haysato fursado aad u kooban oo u baahan in si degdeg ah looga faa’iideysto.

Wuxuu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu haysto fursad hal bil ah oo uu ku abuuri karo jawi wada-hadal oo loo dhan yahay, si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Waxaa weli jira hal bil oo uu Madaxweynaha ku kulmin karo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta doorashada si loo gaaro heshiis la wada oggol yahay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-tashiga.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in awoodda lagu koobto hal dhinac xilli ay dhammaanayso muddo xileedka, taas oo uu sheegay inay tahay caqabad soo noqnoqotay oo u baahan xal waara.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo dalbanaya in xal siyaasadeed degdeg ah laga gaaro xaaladda dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad kala guur ah oo u baahan hoggaan siyaasadeed oo mideeya dhinacyada kala duwan si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

17 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

17 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.