• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo lagu dilay Xamarweyne

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo lagu dilay Xamarweyne
Share

Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqo ka dhacday degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysay ciidamo ka tirsan Booliska iyo ilaalada Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Shaqaaqadan ayaa bilaabatay markii ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa koontaroolka ay joojiyeen gaari uu watay darawalka wasiirka, xilli uusan wasiirku la socon. Wararka ayaa sheegaya in is-faham la’aan degdeg ah ay ka dhalatay habka loo maareeyay baaritaanka, taas oo keentay xiisad u dhexeysa labada dhinac.

Ilo amni ayaa sheegay in darawalka uu bistoolad la soo baxay, halka ciidamada Booliska ay iyaguna hubkooda diyaarsadeen, taas oo sababtay in xaaladdu faraha ka baxdo, isla markaana gaariga iyo darawalka lagu hakiyo goobta.

Markii dambe, taliyaha ilaalada wasiirka ayaa ciidamo gurmad ah la gaaray goobta, waxaana sidoo kale ku biiray sarkaal ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada Qaranka. Halkaas ayaa mar kale iska hor imaad culus ka dhacay, iyadoo rasaas la isku adeegsaday.

Intii ay socotay shaqaaqadu, sarkaal ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada ayaa la dhaawacay kadib markii la sheegay in uu ku dhacay xabbad ka timid taliyaha koontaroolka, wuxuuna markii dambe u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Ciidamada ilaalada wasiirka ayaa qabtay taliyaha lagu eedeeyay falkaas, waxaana loo gudbiyay saldhigga Booliska Xamarweyne, halkaas oo uu hadda ku xiran yahay, iyadoo baaritaanno lagu wado.

Dhanka kale, saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo dib u dejiyay xaaladda, isla markaana qaaday gaariga iyo darawalkii la socday.

Ilaa hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee ku aaddan dhacdadan, iyadoo la sugayo natiijada baaritaanka si loo caddeeyo sida saxda ah ee ay wax u dhaceen.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.