Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo lagu dilay Xamarweyne

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqo ka dhacday degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysay ciidamo ka tirsan Booliska iyo ilaalada Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 15, 2026, 11:26 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo lagu dilay Xamarweyne
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqo ka dhacday degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysay ciidamo ka tirsan Booliska iyo ilaalada Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Shaqaaqadan ayaa bilaabatay markii ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa koontaroolka ay joojiyeen gaari uu watay darawalka wasiirka, xilli uusan wasiirku la socon. Wararka ayaa sheegaya in is-faham la’aan degdeg ah ay ka dhalatay habka loo maareeyay baaritaanka, taas oo keentay xiisad u dhexeysa labada dhinac.

Ilo amni ayaa sheegay in darawalka uu bistoolad la soo baxay, halka ciidamada Booliska ay iyaguna hubkooda diyaarsadeen, taas oo sababtay in xaaladdu faraha ka baxdo, isla markaana gaariga iyo darawalka lagu hakiyo goobta.

Markii dambe, taliyaha ilaalada wasiirka ayaa ciidamo gurmad ah la gaaray goobta, waxaana sidoo kale ku biiray sarkaal ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada Qaranka. Halkaas ayaa mar kale iska hor imaad culus ka dhacay, iyadoo rasaas la isku adeegsaday.

Intii ay socotay shaqaaqadu, sarkaal ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada ayaa la dhaawacay kadib markii la sheegay in uu ku dhacay xabbad ka timid taliyaha koontaroolka, wuxuuna markii dambe u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Ciidamada ilaalada wasiirka ayaa qabtay taliyaha lagu eedeeyay falkaas, waxaana loo gudbiyay saldhigga Booliska Xamarweyne, halkaas oo uu hadda ku xiran yahay, iyadoo baaritaanno lagu wado.

Dhanka kale, saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo dib u dejiyay xaaladda, isla markaana qaaday gaariga iyo darawalkii la socday.

Ilaa hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee ku aaddan dhacdadan, iyadoo la sugayo natiijada baaritaanka si loo caddeeyo sida saxda ah ee ay wax u dhaceen.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

9 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

9 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.