Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad halis ah, kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Baarlamaanka Federaalka. Hadalkan ayaa ku yimid warsaxaafadeed uu si rasmi ah u soo saaray.
Farmaajo ayaa tilmaamay in hubanti la’aanta doorashooyinka iyo muranka siyaasadeed ay horseedeen xaalad jahawareer ah. Wuxuu sheegay in dastuurka dalka lagu tuntay, maadaama aan la dhisin baarlamaan cusub kahor dhammaadka muddada kii hore.
Wuxuu sidoo kale xusay in Baarlamaanka uu yahay saldhigga sharciyadda hay’adaha dowladda, sidaas darteed maqnaanshihiisa ay keeni karto khatar sharci iyo mid dowladnimo. Sida uu sheegay, tani waxay sababi kartaa isla xisaabtan la’aan iyo ku tagri fal awoodeed.
Madaxweynihii hore ayaa intaas ku daray in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gabaabsi yahay, islamarkaana ay harsan tahay waqti kooban. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu qabto doorasho lagu kalsoonaan karo.
Dhanka kale, siyaasiyiin mucaarad ah oo ay wehliyaan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa fariin u diray beesha caalamka, iyagoo codsaday cadaadis diblomaasiyadeed oo lagu saaro dowladda federaalka.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu jiro muran xooggan oo ku saabsan isbeddel lagu sameeyay dastuurka, kaas oo dhigaya in muddo xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano. Qaar ka mid ah mucaaradka iyo dowlad goboleedyada ayaa si adag uga soo horjeestay qodobkan.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid sii cakirmaysa, iyadoo loo baahan yahay wada hadal iyo xal degdeg ah si looga hortago firaaq dastuuri ah.



















