Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada dowladda iyo Jubbaland oo howlgal ka fuliyay Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada amniga Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Howlgalladan ayaa lagu beegsanayaa kooxaha hubeysan ee ku sugan deegaannadaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 14, 2026, 3:16 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada dowladda iyo Jubbaland oo howlgal ka fuliyay Jubbooyinka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada amniga Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Howlgalladan ayaa lagu beegsanayaa kooxaha hubeysan ee ku sugan deegaannadaas.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, iyadoo ciidamadu gaareen goobo ay ka mid yihiin Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga Jubbooyinka.

Intii ay socdeen howlgaladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka. Duqeymahan ayaa sare u qaaday awoodda ciidamada ee beegsiga maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya deegaannada hawlgalku ka socdo.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu gaarsiiyay kooxahaasi jab xooggan, iyadoo la dilay tiro ka mid ah dagaalyahannada, oo ay ku jiraan xubno muhiim ah. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.

Hubka la qabtay waxaa ka mid ah qoryaha culus iyo kuwa fudud, iyo walxo qaraxyo ah oo la sheegay in lagu dhibaateyn lahaa shacabka. Tani ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo dhanka amniga ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu baacsanayo haraadiga kooxaha hubeysan, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubbooyinka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

8 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

8 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.