Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka tartan orod oo lagu qabtay Muqdisho, kaas oo qeyb ka ahaa toddobaadka ciyaaraha nabadda iyo horumarka. Tartankan ayaa isu keenay boqolaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid degmooyinka caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la orday qeyb ka mid ah masaafada saddex kiiloomitir, taas oo si weyn u soo jiidatay indhaha ka qeybgalayaasha iyo daawadayaasha. In ka badan 300 oo orodyahanno ah ayaa ka qeyb galay tartanka sanadkan oo lagu xusay magaca toddobaadka nabadda iyo horumarka isboortiga.
Markii tartanku soo idlaaday, Xamza Cabdi Barre ayaa billado iyo abaalmarinno guddoonsiiyay dhallinyaradii kaalmaha hore ka galay. Wuxuu ku bogaadiyay dadaalkooda iyo anshaxa ciyaareed ee ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in guulahoodu ay dhiirrigelin u yihiin jiilalka kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ciyaaraha noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin xoojinta nabadda iyo isku duubnida bulshada. Wuxuu sheegay in isboortigu uu door muuqda ka qaato horumarinta caafimaadka jirka iyo maskaxda ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol ah, kuwaas oo muujiyay taageeradooda ku aaddan horumarinta ciyaaraha. Qaban-qaabada tartankan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo xiriirrada ciyaaraha dalka.
Tartankan orodka ah ayaa ka tarjumaya dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka bulshada ee dhallinyarada. Waxaa sidoo kale uu muujinayaa sida ay u kordhayaan fursadaha ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan horumarka guud ee dalka.
DAAWA


























