Wararka24: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah u gudbiyay waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo.
Munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria, iyadoo lagu qabtay jawi dagan iyo soo dhoweyn diirran.
Kulamada la xiriiray munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dal.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan arrimaha mudnaanta wadaagga ah ee heer goboleed iyo heer caalami.
Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga miro dhalka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria.
Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Afrika.





















