Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo shir siyaasadeed ku qabtay Muqdisho kahor safarkiisa Baydhaba

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, kahor inta uusan u dhoofin magaalada Baydhaba.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 4, 2026, 11:51 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo shir siyaasadeed ku qabtay Muqdisho kahor safarkiisa Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, kahor inta uusan u dhoofin magaalada Baydhaba.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee ururka, iyadoo lagu falanqeeyay xoojinta wadajirka xubnaha iyo dardargelinta howlaha siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyo u diray xubnaha cusub ee golaha deegaanka gobolka Banaadir, isagoo ku ammaanay doorkooda horumarinta caasimadda.

Wuxuu kula dardaarmay inay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka, isla markaana mudnaanta siiyaan adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin doorashooyinka, isagoo sheegay inay yihiin tiirka lagu xaqiijin karo dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

“Doorashooyinka waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo matalaad dhab ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sidoo kale ku booriyay xubnaha ururka inay ka shaqeeyaan midnimo iyo wada tashi, si loo helo doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in madaxweynaha uu booqasho ku tago magaalada Baydhaba oo ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.