• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sharmaarke oo ka digay hoos u dhigidda awoodda Koonfur Galbeed

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sharmaarke oo ka digay hoos u dhigidda awoodda Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, isagoo muujiyay walaac ku saabsan awoodda maamulkaas.

Sharmaarke ayaa sheegay in awooddii dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed loo rogay mid hoose oo si toos ah uga amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu xusay in aanay jirin sharci ogolaanaya in dowlad-goboleed lagu beddelo maamul ku meel gaar ah oo ka amar qaata dowladda dhexe, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda nidaamka federaalka.

“Doorasho waa la qaban karaa iyadoo uu jiro maamul ku meel gaar ah oo heer dowlad-goboleed ah, balse su’aashu waa haddii la beddelayo jihada nidaamka federaalka,” ayuu yiri Sharmaarke.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa dastuurka ay dib u celin karto horumarka siyaasadeed, isla markaana ay dhalin karto qalalaase cusub.

Hadalka Sharmaarke ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay magacaabista hoggaamiye KMG ah oo loo sameeyay Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horey u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji inuu noqdo hoggaamiyaha KMG ah, kadib isbeddello ka dhacay Baydhabo.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.