Wararka24: Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan mas’uul ka tirsan maamulka degmada iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel qiyaastii 8 kiiloomitir u jirta degmada, halkaas oo ay isku qabteen dhinacyadu muran la xiriira dhul, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Warsheekh Hiraabe Maxamed Maxamuud (Jookaay) ayaa sheegay in lagu soo weeraray ciidamo wata gaadiid dagaal, balse uu iska difaacay weerarkaasi.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamadiisu ay weli ku sugan yihiin goobta, isagoo ku eedeeyay Xildhibaan Xaadoole inuu hurinayo xiisadda ka jirta deegaanka.
Dhanka kale, weli wax war ah kama soo bixin dhinaca Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay iyo dagaalka dhacay.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in xiisaddu ay weli ka taagan tahay aagga, iyadoo laga cabsi qabo in ay dib u soo cusboonaato iska hor imaadyo kale.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli horey dagaallo la xiriira muranka dhulka ay uga dhaceen deegaanka, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.


















