Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Turkiga oo dardar geliyay dadaallo lagu joojinayo dagaalka Iran

Dowladda Turkiga ayaa kordhisay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo xulafada Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo wada hadallo la leh dhinacyo kala duwan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 24, 2026, 10:36 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Turkiga oo dardar geliyay dadaallo lagu joojinayo dagaalka Iran
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Turkiga ayaa kordhisay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo xulafada Mareykanka iyo Israa’iil, iyadoo wada hadallo la leh dhinacyo kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa xiriirro isdaba joog ah la sameeyay dhiggiisa dalalka Iiraan, Masar iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub, si loo qiimeeyo fursadaha xabbad joojin.

Sidoo kale, Ankara ayaa la hadashay saraakiil Mareykan ah iyo dowlado kale oo gobolka ah, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo lagu dejin karo colaadda.

Xogaha laga helayo Turkiga ayaa muujinaya in dowladdaasi ay riixeyso xabbad joojin ku meel gaar ah oo fursad siin karta wada hadallo rasmi ah.

Dadaalladan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in ay socdaan wada hadallo wax ku ool ah, isla markaana uu dib u dhigay qorshayaal militari oo ka dhan ah Iiraan.

Si kastaba, Turkiga ayaa ka digay caqabado ka iman kara dhinacyada dagaalka, gaar ahaan suurtagalnimada in colaadda la sii dheereeyo.

Dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyadoo weli aan la hubin in la gaari karo heshiis waara oo lagu soo afjaro dagaalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

4 hours ago
Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

4 hours ago
Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

4 hours ago
Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

4 hours ago
Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

22 hours ago
Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

22 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

23 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.