Wararka24: 10-02-2026 Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in xiisadda milateri ee u dhexeysa Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ay yeelan karto cawaaqib halis ah oo saameyn ku yeelan karta amniga caalamka.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qatar (QNA), digniintan ayaa timid kadib wadahadal taleefan oo dhex maray labada hoggaamiye maalintii Sabtida, kaas oo diiradda lagu saaray colaadda sii xoogeysaneysa ee ka taagan Bariga Dhexe.
Amiirka Qatar ayaa sheegay in sii socoshada is-mari-waaga milateri ay khatar ku tahay nabadda gobolka iyo tan caalamka, isagoo ku baaqay in dib loo soo nooleeyo dadaallada diblomaasiyadeed si looga hortago in xaaladdu kasii darto.
Sheekh Tamiim ayaa sidoo kale caddeeyay in Qatar ay diyaar u tahay inay difaacdo madax-bannaanideeda iyo amnigeeda, xilli dalkaasi uu martigeliyo saldhigga milateri ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe oo ku yaalla Al-Udeid.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Iiraan ay maalmihii lasoo dhaafay weerarro ku qaaday xarumo milateri iyo nidaamyo raadaar oo ku yaalla gobolka, waxaana mid ka mid ah weerarrada uu saameeyay nidaam raadaar oo ku yaalla saldhigga Al-Udeid ee Qatar.
Colaadda u dhexeysa Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa haatan gashay maalinteedii 10-aad, iyadoo weli la dareemayo cabsi ku aaddan in dagaalku uu kusii fido dalal kale oo gobolka ah.


















