• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Fadhiya Sacuudiga oo Si Rasmi Ah Loo Aqoonsaday

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Fadhiya Sacuudiga oo Si Rasmi Ah Loo Aqoonsaday
Share

Wararka24: 7-02-2026 Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay safiirka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Habmaamuuska ee Sacuudiga, Cabdulmajiid Al-Smari, ayaa guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee danjiraha cusub, isagoo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa ku shaacisay barta X in danjire Maxamed Amiin Sheekh Cismaan uu si rasmi ah u gudbiyay waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyadeed ee u oggolaanaya inuu matalo Soomaaliya.

Danjire Maxamed Amiin ayaa xilkan kala wareegaya Aweys Xaaji Yuusuf, oo tan iyo sanadkii 2023 ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga, balse dhowaan loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Magacaabista safiirka cusub ayaa timid kadib markii dowladda Sacuudiga ay oggolaatay codsiga ay dowladda Soomaaliya u gudbisay bishii Diseembar ee sanadkii hore.

Danjire Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa horay u soo noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay mas’uuliyiinta dhow ula shaqeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistan ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.