• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Muddada Xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo Hal Sano Lagu Kordhiyay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Muddada Xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo Hal Sano Lagu Kordhiyay
Share

Wararka24: 6-02-2026 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in muddada xil-heynta Baarlamaanka 11-aad ay noqotay shan sano kadib ansixinta dastuurka cusub ee ay meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Baarlamaanka 11-aad ayaa markii hore lagu doortay dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa, kaas oo dhigaya in muddada xil-heyntu ay tahay afar sano, laga bilaabo 14-kii Abriil 2022 ilaa 14-ka Abriil 2026.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka hadda jira uu sii shaqeyn doono muddada uu oggol yahay dastuurka cusub ee la ansixiyay, taas oo dhigaysa shan sano.

Tallaabadan ayaa sidoo kale ka dhigan in muddada xil-heynta Madaxweynaha Soomaaliya ay noqoneyso shan sano, sida ku cad dastuurka cusub, taas oo la micno ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayn doono ilaa bisha May 2027.

Aadan Madoobe ayaa arrintan ka sheegay kulan afur ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyay xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka. Wuxuu tilmaamay in hay’adaha dastuuriga ah ay sii shaqeyn doonaan muddada uu qeexayo dastuurka cusub ee la ansixiyay.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in xildhibaannada Baarlamaanka ay galeen fasax kooban kadib shaqooyin badan oo ay qabteen, isla markaana ay dib ugu soo laaban doonaan shaqada marka fasaxaasi dhammaado.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa ka hor yimid dhaqangelinta dastuurka cusub, iyagoo sheegay in habraaca ansixintiisa lagu muransan yahay.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.