Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo Caalami ah iyo Dalacsiinta Safiirro

5-02-2026 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho ku ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal la sheegay inay muhiim u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo maamulka dowliga ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 5, 2026, 3:39 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo Caalami ah iyo Dalacsiinta Safiirro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 5-02-2026 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho ku ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal la sheegay inay muhiim u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo maamulka dowliga ah.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Wasiirrada, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay dhowr heshiis oo ay Soomaaliya la gashay dalal iyo hay’ado caalami ah.

Heshiisyada la ansixiyay waxaa ka mid ah heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka baasaboorka diblumaasiga, iyo heshiis kale oo Soomaaliya iyo Ruushka ay ka gaareen iskaashi dhinaca caafimaadka ah.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Spain oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo heshiis lala galay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka (IAEA) oo la xiriira hirgelinta dammaanadaha ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.

Waxaa kaloo la ansixiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah ka ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada iyo maandooriyeyaasha ee la saxiixay sanadkii 1988, iyo siyaasadda maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay in laba mas’uul oo kala ah Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan loo dalacsiiyo darajada safiirnimo, inkasta oo aan weli la shaacin dalalka ay ka howl geli doonaan.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo la xiriira amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, howlgalada ciidanka xoogga dalka ay kula wareegeen deegaanno hor leh, iyo dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada dowladda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

13 hours ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

13 hours ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

14 hours ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

14 hours ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

1 day ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

2 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

2 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.