• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe
Share

Wararka24: 1-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda ka taagan Iiraan iyo dagaalka kusii fidaya Bariga Dhexe, iyadoo caddeysay mowqifkeeda rasmiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu beeniyay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in Soomaaliya ay taageertay Iiraan.

Bayaan ku qornaa afka Carabiga oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in qoraalka cinwaankiisu ahaa “Soomaaliya oo dib u xaqiijisay taageeradeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran” uu yahay mid been abuur ah, isla markaana aanay wasaaraddu soo saarin.

Dowladda ayaa sheegtay in mowqifkeedu yahay mid ku saleysan ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka. Dowladda ayaa weerarradaas ku tilmaantay kuwo sharci-darro ah oo halis gelinaya nabadda iyo ammaanka gobolka.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo qaraxyo laga soo sheegay dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya.

Dhanka kale, Iiraan ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cusub kaddib dilkii hoggaamiyihii sare Aayatullaahi Cali Khamenei, taas oo sare u qaadday walaaca ku saabsan mustaqbalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.