Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah

1-02-2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, xilli ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay khilaafka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 1, 2026, 12:31 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 1-02-2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, xilli ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay khilaafka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ururrada siyaasadeed ee is-diiwaangeliyay, isaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka doorashooyinka iyo hubinta ka qaybgal siyaasadeed oo ballaaran. Madaxweynaha ayaa ka dhageystay mas’uuliyiinta talooyin ku saabsan hannaanka doorashada, isagoo ku booriyay inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Dhankooda, madaxda ururrada siyaasadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhammaystiran.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, Wasiirka Cadaaladda Xasan Macallin iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay fashilmeen wada-hadallo u dhexeeyay Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo Jubbaland, Puntland iyo xubno mucaarad ah ay diideen qorshaha doorasho qof iyo cod ah iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Xiisadda siyaasadeed ayaa weli taagan, iyadoo la sugayo sida loo wajihi doono waqtiga kala guurka ee soo dhow.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

22 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

23 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.