• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika
Share

Wararka24: 1-02-2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, xilli ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay khilaafka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ururrada siyaasadeed ee is-diiwaangeliyay, isaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka doorashooyinka iyo hubinta ka qaybgal siyaasadeed oo ballaaran. Madaxweynaha ayaa ka dhageystay mas’uuliyiinta talooyin ku saabsan hannaanka doorashada, isagoo ku booriyay inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Dhankooda, madaxda ururrada siyaasadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhammaystiran.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, Wasiirka Cadaaladda Xasan Macallin iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay fashilmeen wada-hadallo u dhexeeyay Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo Jubbaland, Puntland iyo xubno mucaarad ah ay diideen qorshaha doorasho qof iyo cod ah iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Xiisadda siyaasadeed ayaa weli taagan, iyadoo la sugayo sida loo wajihi doono waqtiga kala guurka ee soo dhow.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.