• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Saciid Deni ayaa muujiyay niyad-jab ku sabsan wada-hadal dambe oolala galo Xasan Sheekh

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Saciid Deni ayaa muujiyay niyad-jab ku sabsan wada-hadal dambe oolala galo Xasan Sheekh
Share

Wararka24: 28-02-2026 Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa muujiyay niyad-jab ku saabsan suurtagalnimada wada-hadal dambe oo lala yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in fursadihii wada-xaajoodka ay soo dhammaadeen.

Deni ayaa hadalkan ka jeediyay shir ay xubno ka tirsan mucaaradka ku yeesheen hoteelka Jasiira ee Muqdisho.

Saciid Deni ayaa sheegay in isku dayo badan oo lagu doonayay xal siyaasadeed ay guuldarreysteen, isaga oo ku eedeeyay madaxweynaha inuu ka biyo diiday talooyin iyo waanooyin loo jeediyay. “Aniga waan garan waayay si loola hadlo, waxaase qabaa hadal dambe yaan loogu tegin way soo dhammaatay in loo caqli celiyo,” ayuu yiri Deni.

Wuxuu sidoo kale dhaliil u jeediyay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka, isagoo sheegay in Baarlamaanka uu ku guda jiro arrin xasaasi ah xilli ay ka harsan tahay muddo kooban oo xilkiisa ah.

Deni ayaa ku dooday in isbeddelka Dastuurka uu u baahan yahay wada-tashi ballaaran, isla markaana aan lagu degdegin go’aan aan loo dhammayn.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay fashilmeen wada-hadallo u dhexeeyay Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo ku saabsanaa khilaafka doorashooyinka. Kulamadaasi ayaa lagu kala kacay iyadoo aan la gaarin is-afgarad, taas oo sii xoojisay is-mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ayaa weli taagan, iyadoo dhinacyadu ku kala aragti duwan yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.