• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan
Share

Wararka24: 27-02-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka, xilli uu sheegay in Somaliland ay wajahayo cadaadis iyo mucaarad diblomaasiyadeed oo ka dhashay aqoonsigii ay Israa’iil siisay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland aysan cidna dhibaato u geysan, balse ay hadda la kulmeyso waxa uu ku tilmaamay cadaawad ka imaaneysa dalal gobolka ku yaalla.

“Colaado badan ayaa Somaliland ku socda, cidna waxba umaynaan gaysan, cid aynu wax ka qaadnay ma jirto, marka waxa loo baahanyahay oo aan shacabka ugu baaqaya in uu midnimadiisa iyo wadajirkiisa ilaashado, in uu qaranimadiisa iyo dowladnimadiisa difaaco,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay feejignaan iyo isku duubni si looga gudbo marxaladda siyaasadeed ee taagan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay culimada, isaga oo sheegay in ay bulshada ku jiheeyeen arrinta aqoonsiga, isla markaana ay ka hortageen fasiraado khaldan. “Culimada waan u mahadnaqayaa, wanan u ducaynayaa,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aqoonsiga Israa’iil uu khatar ku yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo wadda dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in Israa’iil dib uga fiirsato tallaabadaas.

Dalal kale oo gobolka ku yaalla ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan saameynta aqoonsigaasi ku yeelan karo xasilloonida Geeska Afrika.

Arrintan ayaa sare u qaaday xiisadda diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo dhinacyadu ay ku kala aragti duwan yihiin mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo saamaynta aqoonsigaasi ku yeelan karo xiriirrada gobolka


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.