Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

27-02-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka, xilli uu sheegay in Somaliland ay wajahayo cadaadis iyo mucaarad diblomaasiyadeed oo ka dhashay aqoonsigii ay Israa’iil siisay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 27, 2026, 10:40 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 27-02-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka, xilli uu sheegay in Somaliland ay wajahayo cadaadis iyo mucaarad diblomaasiyadeed oo ka dhashay aqoonsigii ay Israa’iil siisay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland aysan cidna dhibaato u geysan, balse ay hadda la kulmeyso waxa uu ku tilmaamay cadaawad ka imaaneysa dalal gobolka ku yaalla.

“Colaado badan ayaa Somaliland ku socda, cidna waxba umaynaan gaysan, cid aynu wax ka qaadnay ma jirto, marka waxa loo baahanyahay oo aan shacabka ugu baaqaya in uu midnimadiisa iyo wadajirkiisa ilaashado, in uu qaranimadiisa iyo dowladnimadiisa difaaco,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay feejignaan iyo isku duubni si looga gudbo marxaladda siyaasadeed ee taagan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay culimada, isaga oo sheegay in ay bulshada ku jiheeyeen arrinta aqoonsiga, isla markaana ay ka hortageen fasiraado khaldan. “Culimada waan u mahadnaqayaa, wanan u ducaynayaa,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aqoonsiga Israa’iil uu khatar ku yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo wadda dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in Israa’iil dib uga fiirsato tallaabadaas.

Dalal kale oo gobolka ku yaalla ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan saameynta aqoonsigaasi ku yeelan karo xasilloonida Geeska Afrika.

Arrintan ayaa sare u qaaday xiisadda diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo dhinacyadu ay ku kala aragti duwan yihiin mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo saamaynta aqoonsigaasi ku yeelan karo xiriirrada gobolka


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

22 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

23 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.