Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xilliga uu Madaxweynaha Somaliland booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey

Wararka25: 25-02-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu dhammaadka bisha Maarso booqasho rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee heer madaxweyne ee uu ku tago Tel Aviv…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 25, 2026, 10:04 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Xilliga uu Madaxweynaha Somaliland booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka25: 25-02-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu dhammaadka bisha Maarso booqasho rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee heer madaxweyne ee uu ku tago Tel Aviv tan iyo markii Israa’iil ay si rasmi ah u muujisay taageerada ay u hayso madaxbannaanida Somaliland bishii Diseembar 2025. Wararkan ayaa laga soo xigtay ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska Jerusalem Post.

Inkastoo booqashadan la filayo ay tahay tii ugu horreysay ee rasmi ah, haddana Madaxweyne Cirro horey ayuu mar u booqday Israa’iil, xilli ay socdeen wada-hadallo hordhac ah oo horseeday go’aanka aqoonsiga ee ay Israa’iil ku dhawaaqday dhammaadkii sanadkii hore.

Ilo-wareedyadu waxay tilmaameen in socdaalkaas hore uu ahaa mid aan si fagaare ah loo shaacin, isla markaana uu qayb ka ahaa xiriir diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dhinac.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa 6-dii Janaayo booqasho kooban ku tagay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay jihada xiriirka labada dhinac iyo fursadaha iskaashi ee suurtagalka ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la socday booqashada.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay doonayso in xiriirka ay la leedahay Israa’iil uu noqdo mid wax-ku-ool ah oo ka baxsan taageerada diblomaasiyadeed, iyada oo diiradda la saarayo iskaashi dhinacyada teknoolajiyadda, beeraha casriga ah, maaraynta biyaha, iyo hal-abuurka.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa tilmaamay in Israa’iil ay ka mid tahay dalalka hormuudka ka ah hal-abuurnimada teknoolojiyadda, isla markaana ay ka faa’iideysan karaan khibradahaas si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.

Isla mar ahaantaas, Somaliland ayaa waddada u sii maraysa ballaarinta saaxiibada caalamiga ah. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka France 24 ku sheegay in xukuumaddiisu ay miiska saartay qorshe istiraatiiji ah oo ay u bandhigtay Mareykanka.

Qorshahan ayaa la xiriira in Washington loo oggolaado fursado maalgashi oo ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah iyo macdanta Somaliland, isla markaana loo furo suurtagalnimada saldhigyo milatari oo ay Mareykanku ka sameystaan gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in dalabkan loo arko mid lagu doonayo in lagu kasbado kalsoonida Mareykanka, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed loogana helo taageero diblomaasiyadeed oo u gogol xaarta aqoonsi caalami ah.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii ayaa weli raadinaysa aqoonsi buuxa oo caalami ah, iyadoo maamulka Hargeysa uu aaminsan yahay in xoojinta xiriirka ay la yeelato quwadaha waaweyn ay kaalin ka qaadan karto hirgelinta himiladaas.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

19 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

19 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

20 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

20 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.