Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Beesha Caalamka oo ka xumaatay natiijo la’aanta wada-hadalla ka socda somaaliya

Wararka25: 24-02-2026 Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo saaxiibbada kale ee beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 24, 2026, 7:03 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Beesha Caalamka oo ka xumaatay natiijo la’aanta wada-hadalla ka socda somaaliya
Share

Wararka25: 24-02-2026 Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo saaxiibbada kale ee beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

UNTMIS iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa maanta la kulmay wakiillo sare oo ka kala socday labada dhinac, iyagoo ku boorriyay in la sii wado dadaallada lagu gaari karo xal siyaasadeed oo waara.

Qoraal kasoo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan go’aanka labada dhinac ee ah in wada-hadallada la sii wado, isla markaana loo baahan yahay niyad-sami iyo tanaasul si horumar loo sameeyo.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa sheegay in inkastoo aan heshiis laga gaarin qodobadii la isku hayay, haddana ay rajo ka qabaan in hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay dib isugu soo laabtaan si loo gaaro heshiis qaran oo loo dhan yahay.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dowladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo qodobada ugu waaweyn ee la isku mari waayay ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddadoodu dhammaatay. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin natiijada kama dambaysta ah ee wadahadallada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.