• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

17 ka mid ah madaxda Shabaab ayay DF oo shaacisay in la dilay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Share

Wararka25: 23-02-2026  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay 17 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa qoraal ku sheegay in ciidamada ammaanka iyo kuwa qaranka ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo xusay in dowladda ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha hubeysan. Waxa uu tilmaamay in dilalkaas ay ka dhasheen hawlgallo qorshaysan oo laga fuliyay deegaanno kala duwan.

Hawlgallada la soo xusay waxaa ka mid ahaa mid ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ka fulisay degmada Jilib bishii Janaayo 2026, halkaas oo lagu dilay Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil, kaas oo lagu sheegay inuu ahaa mas’uul sare oo ka tirsanaa shabakadda qaraxyada ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, hawlgal kale oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay Axmed Dhubad Xidig oo loo yaqaanay Sheekh Aadan Dheere, oo saraakiisha amniga ku tilmaameen inuu ahaa mas’uul ka tirsanaa dhinaca maaliyadda ee kooxda.

Dhawr maalmood ka hor hawlgalkaasna, waxaa la dilay Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo la sheegay inuu ahaa sarkaal sare oo maaliyadeed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa mar kale ku baaqay in xubnaha Al-Shabaab ay ka tanaasulaan falalka hubeysan, isaga oo sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay soo dhaweyso kuwa isa soo dhiiba, loona diyaariyay barnaamijyo dhaqan-celin iyo dib-u-la-qabsasho bulsho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, xilli ay ciidamada qaranka kaashanayaan saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyay.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.