• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Abuukar Baale: Xaaladda Bani’aadamnimo ee Gaza Waa Mid Halis ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Abuukar Baale: Xaaladda Bani’aadamnimo ee Gaza Waa Mid Halis ah
Share

Wararka24: 19-02-2026 Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baale, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta Marinka Gaza ay gaartay heer halis ah, iyadoo caqabado waaweyn ay hor taagan yihiin gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee dadka rayidka ah.

Safiirka ayaa hadalkan ka jeediyay fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo carrabka ku adkeeyay in xaaladda Gaza ay u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo ka timaadda beesha caalamka si loo xaqiijiyo in gargaarku si nabad ah oo joogto ah u gaaro dadka ku dhibaateysan colaadda.

Abuukar Baale ayaa xusay in ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waajib sharci iyo mid akhlaaqeed, isla markaana dhammaan dhinacyada ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Safiirka Soomaaliya ayaa si cad u muujiyay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo horjeeda isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta ama si khasab ah loogu raro dalal kale, isagoo xusay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay jebinayso shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay in xal waara uusan ku jirin barakicin ama beddelidda qaab-dhismeedka dadweynaha, balse uu ku jiro in la wajaho asalka khilaafka lana xaqiijiyo xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin inay si nabad iyo sharaf leh ugu noolaadaan dhulkooda.

Safiirka Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mas’uuliyaddeeda, isla markaana la joojiyo colaadda, lana xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu gaari karo xabbad-joojin dhameystiran iyo xal cadaalad ah oo waara.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.