Wararka24: 15-02-2026;Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu sugayay amniga shacabka lana xoojinayay xasilloonida deegaanka.
Howlgallada oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayay Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliye ku-xigeenka Guutada 18-aad, Col. Khadar Axmed Cabdi.
Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalladu si gaar ah diiradda u saareen tuulooyinka Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo ku yaalla waqooyiga degmada Raage Ceele, halkaas oo ciidamadu ka sameeyeen baaritaanno amni iyo miino-baaris.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa xaqiijiyay badqabka waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay adeegsadaan shacabka iyo gaadiidka, si looga hortago miinooyin iyo waxyaabo qarxa oo ay kooxaha argagixisada ku aasaan waddooyinka.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay muhiim u yihiin soo celinta kalsoonida shacabka, sugidda isu socodka dadweynaha iyo xoojinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee deegaannada la xoreeyay.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay in howlgallada amni xaqiijinta ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo in deegaannadaasi ay si buuxda u nabdoon yihiin, isla markaana laga ciribtirayo haraadiga kooxda Al-Shabaab.


















