Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Kumaandooska Gorgor oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga…

15-02-2026;Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu sugayay amniga shacabka lana xoojinayay xasilloonida deegaanka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 15, 2026, 12:20 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Kumaandooska Gorgor oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.


Wararka24: 15-02-2026
;Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu sugayay amniga shacabka lana xoojinayay xasilloonida deegaanka.

Howlgallada oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayay Ururka 10-aad ee Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliye ku-xigeenka Guutada 18-aad, Col. Khadar Axmed Cabdi.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalladu si gaar ah diiradda u saareen tuulooyinka Gayfo, Boscadur iyo Yonbar oo ku yaalla waqooyiga degmada Raage Ceele, halkaas oo ciidamadu ka sameeyeen baaritaanno amni iyo miino-baaris.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa xaqiijiyay badqabka waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay adeegsadaan shacabka iyo gaadiidka, si looga hortago miinooyin iyo waxyaabo qarxa oo ay kooxaha argagixisada ku aasaan waddooyinka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay muhiim u yihiin soo celinta kalsoonida shacabka, sugidda isu socodka dadweynaha iyo xoojinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee deegaannada la xoreeyay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay in howlgallada amni xaqiijinta ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo in deegaannadaasi ay si buuxda u nabdoon yihiin, isla markaana laga ciribtirayo haraadiga kooxda Al-Shabaab.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

19 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

20 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

22 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

23 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

23 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

23 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

23 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.