Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shuute oo shaaciyay  in xatooyada Qalabka militariga ay noqotay dambigii ugu Adkaa ee la diiwaangeliyo sanadkii 2025.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeye Guuto Xasan Cali Nuur “Shuute”, ayaa sheegay in xatooyada qalabka iyo agabka militariga ay noqotay dambigii ugu cuslaa ee la diiwaangeliyo sanadkii 2025, marka laga reebo dambiyada la xiriira…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 14, 2026, 4:39 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Shuute oo  shaaciyay   in xatooyada Qalabka militariga ay noqotay dambigii ugu Adkaa ee la diiwaangeliyo  sanadkii 2025.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeye Guuto Xasan Cali Nuur “Shuute”, ayaa sheegay in xatooyada qalabka iyo agabka militariga ay noqotay dambigii ugu cuslaa ee la diiwaangeliyo sanadkii 2025, marka laga reebo dambiyada la xiriira argagixisada.

Shuute ayaa sheegay in maxkamaddu ay sanadkii tegay dhageysatay dacwado badan oo ka dhan ah askar iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xatooyada hubka iyo qalabka ciidanka, iyadoo qaar kamid ah eedeysaneyaasha lagu riday xukuno kala duwan oo haatan ku xiran xabsiyada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa carrabka ku adkeeyay in, inkastoo tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo lagu helo dambiga, haddana ay muhiim tahay in si qoto dheer loo baaro sababaha dhabta ah ee keena kororka xatooyada hantida ciidamada.

“Sanadkii 2025, dambiyada ugu culus ee la diiwaangeliyay marka laga reebo kuwa argagixisada la xiriira waa xatooyada qalabka militariga. Xiritaanka dadka hubka xada waa tallaabo muhiim ah, balse ma xallinayso sababta dhabta ah ee keentay falalkan,” ayuu yiri Shuute.

Wuxuu intaas ku daray in maxkamaddu ay diyaar u tahay inay dib u furto dacwado hore haddii loo baahdo baaritaanno dheeraad ah, si loo helo xaqiiqda buuxda ee ku saabsan dhacdooyinka la xiriira xatooyada hubka iyo agabka ciidanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaabilsan dacwadaha la xiriira argagixisada, dilalka, xatooyada, iyo xadgudubyada kale ee ka dhaca gudaha ciidamada, iyadoo dhammaan kiisaskaasi maraan hannaan garsoor oo rasmi ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

19 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

20 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

22 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

23 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

23 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

23 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

23 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.