• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

HIQ iyo BTK Türkiye oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga isgaarsiinta

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
HIQ iyo BTK Türkiye oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga isgaarsiinta
Share

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya iskaashi ku saabsan nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka isgaarsiinta, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka iyo arrimo kale oo nidaamineed oo la xiriira isgaarsiinta elektaroonigga ah.

MoU-ga ayaa lagu saxiixay xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, waxaana kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, iyo Guddoomiyaha BTK, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu.

Guddoomiyaha BTK ayaa sheegay in iskaashigan uu kor u qaadayo is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda nidaamineed, si loo horumariyo waaxaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee Türkiye iyo Soomaaliya. Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee HIQ ayaa xusay in heshiisku xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed, dhisidda awoodda shaqaalaha, is-weydaarsiga aqoonta iyo horumarinta qaab-dhismeed nidaamineed oo wax ku ool ah, si loo casriyeeyo isgaarsiinta dalka.

Kaddib saxiixa heshiiska, wafdiga HIQ ayaa la yeeshay kulammo farsamo Hay’adda BTK iyo xarumo kale oo hoos yimaada, iyagoo ka wada hadlay amniga saaybarka, ilaalinta macaamiisha, nidaaminta internet-ka iyo wadaagista khibradaha nidaamineed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.