• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha Jarmalka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha Jarmalka
Share

Wararka24: 9-02-2026Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka, Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo danaha wadajirka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan abaaraha ba’an ee jira, guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, horumarinta doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladdu u fidisay Golaha Mustaqbalka.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Jarmalka Niels Annen ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ku dhisan dano-wadaag ee labada dal uu sii xoogeysanayo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan doorka ay Soomaaliya ku leedahay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay ka tahay xubin aan joogto ahayn.


Share

Recommended

Itoobiya oo xirtay 138 qof oo lagu eedeeyay xiriir argagixiso

Itoobiya oo xirtay 138 qof oo lagu eedeeyay xiriir argagixiso

5 months ago
Khilaaf ka dhex qarxay Aqalka Cad oo la xiriira dagaalka Iiraan

Khilaaf ka dhex qarxay Aqalka Cad oo la xiriira dagaalka Iiraan

6 months ago
Dagaalka Iran oo Sare u Qaaday Qiimaha Shidaalka Muqdisho

Dagaalka Iran oo Sare u Qaaday Qiimaha Shidaalka Muqdisho

6 months ago
Farmaajo oo wada dadaallo lagu soo dhoweynayo Xasan Sheekh, Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergo u diray Golaha Mustaqbalka

7 months ago
DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

7 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

1 year ago
NISA

Maxa kajira In ciidan NISA Katirsan ay weerareen Dalka kenya + Khasaaraha lasheegay

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.