Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo si heer sare ah u macasalaamaysay hoggaanka Golaha Ammaanka ee…

30-01-2026 Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York ku qabatay munaasabad casho-sharaf ah oo si gaar ah loogu sagootinayay muddadii bisha ahayd ee Soomaaliya hoggaamineysay Golaha Ammaanka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 30, 2026, 10:30 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo si heer sare ah u macasalaamaysay hoggaanka Golaha Ammaanka ee…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 30-01-2026 Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York ku qabatay munaasabad casho-sharaf ah oo si gaar ah loogu sagootinayay muddadii bisha ahayd ee Soomaaliya hoggaamineysay Golaha Ammaanka.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb-galay danjireyaal iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalal xubno ka ah Qaramada Midoobay, kuwaas oo ka mid ah beesha caalamka ee fadhigoodu yahay xarunta QM.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Daahir Cusman (Baalle), oo ka hadlay xafladda, ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay Soomaaliya inay mar kale hoggaamiso Golaha Ammaanka 54 sano kadib. Wuxuu xusay in tallaabadan ay astaan u tahay soo kabashada, adkeysiga iyo horumarka ay Soomaaliya gaartay sanadihii u dambeeyay.

Amb. Baalle ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ay ku salaysnayd xoojinta sarreynta sharciga, ilaalinta nabadda iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah, xilli dunidu wajahaysay caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed oo isa soo taraya.

Ugu dambeyntii, munaasabadda ayaa lagu soo xiray bandhig faneed ay sameeyeen hoballo Soomaaliyeed, kuwaas oo soo bandhigay heeso iyo ciyaaro dhaqameed ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo si weyn u soo jiidatay marti-sharaftii ka qeyb-gashay, una noqotay gabagabada hoggaamintii Soomaaliya ee Golaha Ammaanka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.