Qareenkan udhashey dalka kenya Eric Muriuki ayaa Codsaday In Isaac Rutto Laga Saaro gabi ahaanba Guddiga Adeegga Garsoorka Kenya (JSC)
Qareen Eric Muriuki ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu ku dalbanayo in Isaac Rutto laga qaado xubinnimada Guddiga Adeegga Garsoorka Kenya (JSC),
Isagoo ku eedeeyay ku lug-lahaansho siyaasadeed oo ka baxsan waajibaadka dastuuriga ah.
Dacwadda ayaa lagu sheegay in Isaac Rutto uu si firfircoon uga qeyb qaatay xisbiga talada haya ee UDA.
Arrintaas oo lagu tilmaamay xadgudub culus oo ka dhan ah madaxbannaanida hay’adaha garsoorka iyo dastuurka Kenya.
Muriuki wuxuu ku dooday in xubnaha JSC laga rabo dhexdhexaadnimo buuxda, isla markaana ka fogaansho dhammaan hawlaha siyaasadeed, si loo ilaaliyo kalsoonida dadweynaha iyo nidaamka caddaaladda dalka.


















