• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland Oo ku Baaqday Saraakiisha Xilka Laga Qaaday Inay Hubka Dowladda Ku Wareejiyaan.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Puntland Oo ku Baaqday Saraakiisha Xilka Laga Qaaday Inay Hubka Dowladda Ku Wareejiyaan.
Share

Wararka24: 26-01-2026 La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha amniga, ahna Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa ugu baaqay dhammaan saraakiisha aan hadda xilalka hayn inay si degdeg ah ugu wareejiyaan maamulka hubka iyo qalabka ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Qarjab ayaa sheegay in marka sarkaal xil dowladeed loo magacaabo uu helo xuquuq sharci ah, balse marka xilka laga qaado ay waajib ku tahay inuu si nabad ah xilka uga dego, isla markaana ku wareejiyo hubka iyo awoodda uu hayay hay’adaha dowladda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ku sii dhegganaanshaha hubka kadib marka xilka laga qaado ay tahay arrin sharci-darro ah.

“Taliyaha ama sarkaalka la magacaabay, haddii xilka laga qaado, waa inuu masuuliyadda iyo wixii hanti dowladeed ah si buuxda u wareejiyaa,” ayuu yiri Qarjab, isagoo xusay in tani ay tahay mabda’ aasaasi u ah nidaamka dowladeed.

La-taliyaha ayaa caddeeyay in qofka xilka haya uu leeyahay xuquuq ay ka mid yihiin mushaar, daryeel caafimaad iyo mararka qaar ilalin, balse uusan marnaba xaq u lahayn inuu sii haysto hub ama hanti ay leedahay ummadda marka uu xilka ka dego. “Hantida gaarka ah waa la yeelan karaa, laakiin hantida ummadda lama qaadan karo,” ayuu yiri.

Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in qaladaadka noocan ah ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira, isagoo ku baaqay in arrimahan lagu xalliyo sharci iyo nidaam dowladeed, halkii lagu xallin lahaa awood ama is-haysi hubeysan.

Ugu dambayn, wuxuu ka digay in ku adkeysiga wax aan sharci ahayn ay sii hurin karto qalalaase iyo amni-darro, isagoo ku boorriyay saraakiisha ay quseyso inay doortaan waddada sharciga iyo mas’uuliyadda qaran.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu dhawaan Taliyaha Booliiska Puntland ku eedeeyay saraakiil horey xilal u soo qabtay, kuwaas oo weli mushaar ka qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, inay haystaan hub ay leedahay Puntland.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.