Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland Oo ku Baaqday Saraakiisha Xilka Laga Qaaday Inay Hubka Dowladda Ku Wareejiyaan.

26-01-2026 La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha amniga, ahna Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa ugu baaqay dhammaan saraakiisha aan hadda xilalka hayn inay si degdeg ah ugu wareejiyaan maamulka hubka iyo qalabka ay leeyihiin ciidamada…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 26, 2026, 4:03 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland Oo ku Baaqday Saraakiisha Xilka Laga Qaaday Inay Hubka Dowladda Ku Wareejiyaan.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-01-2026 La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha amniga, ahna Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa ugu baaqay dhammaan saraakiisha aan hadda xilalka hayn inay si degdeg ah ugu wareejiyaan maamulka hubka iyo qalabka ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Qarjab ayaa sheegay in marka sarkaal xil dowladeed loo magacaabo uu helo xuquuq sharci ah, balse marka xilka laga qaado ay waajib ku tahay inuu si nabad ah xilka uga dego, isla markaana ku wareejiyo hubka iyo awoodda uu hayay hay’adaha dowladda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ku sii dhegganaanshaha hubka kadib marka xilka laga qaado ay tahay arrin sharci-darro ah.

“Taliyaha ama sarkaalka la magacaabay, haddii xilka laga qaado, waa inuu masuuliyadda iyo wixii hanti dowladeed ah si buuxda u wareejiyaa,” ayuu yiri Qarjab, isagoo xusay in tani ay tahay mabda’ aasaasi u ah nidaamka dowladeed.

La-taliyaha ayaa caddeeyay in qofka xilka haya uu leeyahay xuquuq ay ka mid yihiin mushaar, daryeel caafimaad iyo mararka qaar ilalin, balse uusan marnaba xaq u lahayn inuu sii haysto hub ama hanti ay leedahay ummadda marka uu xilka ka dego. “Hantida gaarka ah waa la yeelan karaa, laakiin hantida ummadda lama qaadan karo,” ayuu yiri.

Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in qaladaadka noocan ah ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira, isagoo ku baaqay in arrimahan lagu xalliyo sharci iyo nidaam dowladeed, halkii lagu xallin lahaa awood ama is-haysi hubeysan.

Ugu dambayn, wuxuu ka digay in ku adkeysiga wax aan sharci ahayn ay sii hurin karto qalalaase iyo amni-darro, isagoo ku boorriyay saraakiisha ay quseyso inay doortaan waddada sharciga iyo mas’uuliyadda qaran.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu dhawaan Taliyaha Booliiska Puntland ku eedeeyay saraakiil horey xilal u soo qabtay, kuwaas oo weli mushaar ka qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, inay haystaan hub ay leedahay Puntland.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

17 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.