Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF somalia Oo Shaacisay Sida Ay Ula Tacaaleyso Dhimista Kaalmada Mareykanka.

26-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay tallaabooyinka ay qaadday kaddib markii Mareykanku hoos u dhigay kaalmadii shisheeye ee uu siin jiray, iyadoo sheegtay inay la qabsaneyso duruufaha cusub isla markaana yareyneyso saameynta ka dhalan karta.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 26, 2026, 12:03 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay tallaabooyinka ay qaadday kaddib markii Mareykanku hoos u dhigay kaalmadii shisheeye ee uu siin jiray, iyadoo sheegtay inay la qabsaneyso duruufaha cusub isla markaana yareyneyso saameynta ka dhalan karta.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in inkastoo ay jirto dhimista gargaarka, haddana Mareykanku weli dano istiraatiiji ah ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

“Waan ognahay isbeddelkan, waxaana isku dayeynaa inaan la qabsanno,” ayuu yiri Cali Balcad oo wareysi siiyay wargeyska Al-Majalla. Wuxuu xusay in dhimista kaalmada Mareykanka aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse ay qeyb ka tahay dib-u-qiimeyn ballaaran oo Washington ku sameyneyso barnaamijyada gargaarka caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa xilligan wajahaysa caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin ilaalinta horumarka amni, u diyaargarowga doorashooyinka soo socda, iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo sida abaaraha, fatahaadaha, barakaca iyo cunto-yaraanta.

Sanadkii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa adkeeyay siyaasaddiisa kaalmada shisheeye, iyadoo barnaamijyo badan la geliyay dib-u-eegis, hakad ama isbeddel qaab-hawleed. Arrintan ayaa gudaha Soomaaliya saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah gargaarka bani’aadannimo iyo adeegyada horumarinta.

Bilowgii Janaayo 2026, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la xayiray kaalmooyin gaar ah oo la siin jiray Dowladda Federaalka, kaddib eedeymo la xiriiray waxyeello loo geystay xarun ay taageerto Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) iyo leexin gargaar. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in gargaarku weli gacanta ugu jiro Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, Cali Balcad ayaa ammaanay taageeradii hore ee Mareykanka ee dhismaha dowladnimada iyo waaxda amniga, wuxuuna sheegay in hay’adaha dowladda ay hadda diyaarinayaan qorshayaal ay kula qabsadaan xilli ay yaraan karto maalgelinta dibadda, iyagoo ilaalinaya barnaamijyada muhiimka ah.

Wasiirku wuxuu sidoo kale diiday aragtida ah in jiritaanka Al-Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh Daacish ay caddeyn u tahay fashil dowladeed. Wuxuu ku dooday in awoodda dowladdu ay si tartiib ah u soo hagaagtay tan iyo burburkii 1991-kii, isla markaana kooxaha hubeysan aysan hadda gacanta ku hayn dhul ballaaran sida hore.

Iskaashiga milateri ee u dhexeeya Mareykanka, ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda ayaa weli socda, iyadoo ay jiraan howlgallo wadajir ah oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab. Cali Balcad ayaa carrabka ku adkeeyay in inkastoo ay isbeddelayaan siyaasadaha gargaarka shesheeye, haddana Mareykanku uusan ka tanaasulin danaha amni ee Soomaaliya.

“Qaabka wax u socda ayaa laga yaabaa inuu is beddelo,” ayuu yiri, “laakiin taasi macnaheedu ma aha in Mareykanku ka baxayo Soomaaliya.”


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.