• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo cusub…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 3 mins read
Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo cusub…
Share

Hargeysa – Wararka24: Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay warbixinteedii toddobaadlaha ahayd, taas oo ka koobnayd 18 qodob oo muhiim ah oo ka tarjumaya xaaladda guud ee maamulka, waxqabadka xukuumadda iyo arrimaha bulshada ee toddobaadkii la soo dhaafay.

Warbixinta, oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowladda, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu guddoomiyay fadhigii 40-aad ee Golaha Wasiirrada. Fadhigaas ayaa lagu ansixiyay go’aamo muhiim ah oo la xiriira xoojinta adeegyada bulshada, maamul wanaagga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka qeyb galay Shirweynaha Maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo ay kasoo qaybgaleen maalgashadayaal iyo ganacsato caalami ah oo ka kala yimid 23 dal. Sidoo kale.

Madaxweynaha ayaa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland, isaga oo kala hadlay xiriirka ganacsi iyo iskaashiga horumarinta.

Madaxweyne Cirro oo kulakulmay madaxtooyada soomaliland qunsulka turkiga ozan pekin photo Afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyay xuska 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, halka uu sidoo kale abaal-marinno guddoonsiiyay ardaydii ku guuleysatay tartanka hal-abuurka tiknoolajiyadda ee ICT-ga.

Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda ayaa iyaguna soo bandhigay hawlo muhiim ah oo ay toddobaadkan qabteen. Wasaaradda Ganacsiga ayaa kulan la yeelatay hay’adda Expertise France si loo xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo horumarinta farsamooyinka ganacsi.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa shaacisay go’aan lagu dhimayo qiimaha korontada dalka laga bilaabo bisha December 2025,

Halka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ay soo bandhigtay natiijada dib-u-eegista Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDP III).

Sidoo kale, Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qatar Fund for Development iyo Qatar Charity, si loo ballaariyo maalgelinta iyo fursadaha shaqo-abuurka dhalinyarada.

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay iyadoo lagu sheegay in xukuumaddu ay abaabushay isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayo nabadda gobolka Sanaag, kaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayna ka qeyb galeen kumannaan dhalinyaro ah oo ka kala socday gobollada dalka.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.