Hargeysa – Wararka24: Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay warbixinteedii toddobaadlaha ahayd, taas oo ka koobnayd 18 qodob oo muhiim ah oo ka tarjumaya xaaladda guud ee maamulka, waxqabadka xukuumadda iyo arrimaha bulshada ee toddobaadkii la soo dhaafay.
Warbixinta, oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowladda, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu guddoomiyay fadhigii 40-aad ee Golaha Wasiirrada. Fadhigaas ayaa lagu ansixiyay go’aamo muhiim ah oo la xiriira xoojinta adeegyada bulshada, maamul wanaagga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka qeyb galay Shirweynaha Maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo ay kasoo qaybgaleen maalgashadayaal iyo ganacsato caalami ah oo ka kala yimid 23 dal. Sidoo kale.
Madaxweynaha ayaa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland, isaga oo kala hadlay xiriirka ganacsi iyo iskaashiga horumarinta.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyay xuska 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, halka uu sidoo kale abaal-marinno guddoonsiiyay ardaydii ku guuleysatay tartanka hal-abuurka tiknoolajiyadda ee ICT-ga.
Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda ayaa iyaguna soo bandhigay hawlo muhiim ah oo ay toddobaadkan qabteen. Wasaaradda Ganacsiga ayaa kulan la yeelatay hay’adda Expertise France si loo xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo horumarinta farsamooyinka ganacsi.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa shaacisay go’aan lagu dhimayo qiimaha korontada dalka laga bilaabo bisha December 2025,
Halka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ay soo bandhigtay natiijada dib-u-eegista Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDP III).
Sidoo kale, Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Qatar Fund for Development iyo Qatar Charity, si loo ballaariyo maalgelinta iyo fursadaha shaqo-abuurka dhalinyarada.
Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay iyadoo lagu sheegay in xukuumaddu ay abaabushay isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayo nabadda gobolka Sanaag, kaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayna ka qeyb galeen kumannaan dhalinyaro ah oo ka kala socday gobollada dalka.
















