• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiirka Caafimaadka DF oo qaaday tallaabo degdeg ah kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 3 mins read
Caafimaadka
Share

Muqdisho – Wararka24: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa caawa xilka ka qaaday Agaasimihii Hore Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr. Fartuun Shariif, kaddib dhacdadii murugada lahayd ee Gabadh Soomaaliyeed ay ku umushay iridda hore ee isbitaalkaas xili laga ciliyey albaabka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka ayaa manta lagu magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isagoo beddelaya Dr. Fartuun Shariif, oo xilkaasi haysay muddo sanad ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

Isbeddelkan ayaa yimid saacado kadib markii Wasiirka Caafimaadka uu kormeer degdeg ah ku tagay Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu si toos ah uga waraystay maamulka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku sugnaa 26-kii Oktoobar — xilligii ay dhacdadu dhacday.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in natiijadii hordhaca ahayd ee baaritaanka ay muujisay dayacaad ka timid dhinaca maamulka iyo shaqaalaha, taasoo sababtay in haweeney uur leh lagu diido adeeg caafimaad oo degdeg ah. Wuxuu ku tilmaamay dhacdadaas “mid aan la aqbali karin” maadaama adeegga caafimaad ee degdegga ahi yahay xuquuq aasaasi ah oo muwaadiniinta ay xaq u leeyihiin.

“Waxaan aad uga xunahay dhacdadaasi murugada leh, waxaanan shacabka Soomaaliyeed ka raaligelinayaa in arrin noocaas ah ay ka dhacdo isbitaal dowladeed oo hooyooyinka iyo dhallaanka loogu talagalay,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in isbeddelka maamulka uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo hufnaanta iyo daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalaha ku jiray habeenkii ay dhacdadu dhacday shaqada laga joojin doono inta baaritaanku socdo.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa faray Agaasimaha cusub inuu shaqada u guto si masuuliyad iyo hufnaan ku dhisan, isagoo ballan qaaday in Wasaaraddu ay qaadi doonto tallaabooyin sharci iyo maamul oo ka dhan ah cid kasta oo lagu helo dayacaad ama ku tagrifal shaqo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

“Badbaadada hooyada iyo dhallaanka waa mudnaanta koowaad ee Wasaaradda Caafimaadka, cidna looma oggolaan doono in ay halis geliso nolosha shacabka,” ayuu raaciyay Wasiirka.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.