• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo si adag u beenisay eedeymaha la xiriira dagaalka Suudaan

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo si adag u beenisay eedeymaha la xiriira dagaalka Suudaan
Share

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u beenisay wararka sheegaya in maamulkaas uu ku lug leeyahay dagaallada sokeeye ee ka socda dalka Suudaan,

kadib markii warbixinno lagu faafiyay warbaahinta qaar ay tilmaameen in garoonka Boosaaso uu saldhig u yahay duqeymaha laga fuliyo gudaha Suudaan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn dhinacyada dagaalka Suudaan, islamarkaana aanay jirin sabab sharci ama siyaasad ah oo keeni karta in lagu lug yeesho dagaal dal kale ah.

“Dowladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan ama in garoonka Boosaaso looga duulo halkaas. Puntland waxay u aragtaa Suudaan dal walaal ah oo Soomaaliya xiriir wanaagsan la leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku waddo dacaayad iyo eedeymo siyaasadeed oo aan sal lahayn, kuwaas oo lagu xagal daacinayo sumcadda iyo guulaha ay Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan buuraha Cal Miskaad.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Puntland ay weligeed ilaalisay deris wanaag iyo xiriir wanaagsan oo ay la leedahay wadamada gobolka, islamarkaana ay sii wadi doonto iskaashiga amni iyo nabad ku dhisan wadajir.

Eedeymahan ayaa imanaya labo maalmood kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in diyaarado ka duula garoonka Boosaaso ay u socdaan dalka Suudaan,

balse aan la caddeyn ujeeddada duulimaadyadaas. Puntland ayaa sheegtay in wararkaas yihiin kuwo “lagu qalqal gelinayo xiriirka gudaha iyo kan dibadda ee maamulka.”


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.