Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u beenisay wararka sheegaya in maamulkaas uu ku lug leeyahay dagaallada sokeeye ee ka socda dalka Suudaan,
kadib markii warbixinno lagu faafiyay warbaahinta qaar ay tilmaameen in garoonka Boosaaso uu saldhig u yahay duqeymaha laga fuliyo gudaha Suudaan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn dhinacyada dagaalka Suudaan, islamarkaana aanay jirin sabab sharci ama siyaasad ah oo keeni karta in lagu lug yeesho dagaal dal kale ah.
“Dowladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan ama in garoonka Boosaaso looga duulo halkaas. Puntland waxay u aragtaa Suudaan dal walaal ah oo Soomaaliya xiriir wanaagsan la leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku waddo dacaayad iyo eedeymo siyaasadeed oo aan sal lahayn, kuwaas oo lagu xagal daacinayo sumcadda iyo guulaha ay Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan buuraha Cal Miskaad.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Puntland ay weligeed ilaalisay deris wanaag iyo xiriir wanaagsan oo ay la leedahay wadamada gobolka, islamarkaana ay sii wadi doonto iskaashiga amni iyo nabad ku dhisan wadajir.
Eedeymahan ayaa imanaya labo maalmood kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in diyaarado ka duula garoonka Boosaaso ay u socdaan dalka Suudaan,
balse aan la caddeyn ujeeddada duulimaadyadaas. Puntland ayaa sheegtay in wararkaas yihiin kuwo “lagu qalqal gelinayo xiriirka gudaha iyo kan dibadda ee maamulka.”

















