• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya waa inay ka gudubtaa nidaamka 4.5, MD xasan Sheekh.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya waa inay ka gudubtaa nidaamka 4.5, MD xasan Sheekh.
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay ka gudbi lahayd nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5,

Isagoo ku tilmaamay mid Uu waqtigiisa dhamaaday oo hor istaag ku ah dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan sinnaanta, cadaaladda, iyo hufnaanta.

Madaxweynaha oo ka hadlayay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb galay munaasabad lagu xusayay shirweynihii nabadda ee 2000, ayaa sheegay in nidaamka 4.5 uu Soomaaliya kusoo caawiyay xilli adag, balse uu ahaa xal ku-meelgaar ah oo aan sii shaqayn karin.

Madaxweynaha ayaa yidhi, 4.5 wuxuu yimid maalin aysan Soomaalidu waxba haysan, wuxuuna ahaa xal labo sano ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbo. Laakiin muddo dheer ayuu nagu qaatay, waxaana la joogaa xilligii aan dhisi lahayn nidaam ku dhisan hufnaan, cadaalad iyo midnimo qaran,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha iyo bulshada Soomaaliyeed inay ka saaraan siyaasadda danaha shakhsiga iyo qabiilka, si loo abuuro nidaam mideeya ummadda.

Wuxuu xusay in isbeddel dhab ah uu imanayo marka la dhiso dowlad ku saleysan karti iyo aqoon, halkii ay ku tiirsanaan lahayd nidaamyo ku dhisan tirada beelaha.

“Si aan uga gudubno 4.5 waa in aan meesha ka saarno siyaasadda qofka iyo qabiilka. Soomaaliya maanta waxay haysaa fursad ay ku qaaddo wadadii toosnayd ee dawladnimada casriga ah,” ayuu raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay goob taariikhi ah oo lagu xasuusto bilowgii dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in Carta maanta noqoto meel kale oo lagu diro fariin cusub oo ah “dib u dhiska nidaam mideeya qaranka.”


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.