• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, November 22, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya waa inay ka gudubtaa nidaamka 4.5, MD xasan Sheekh.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
3 weeks ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya waa inay ka gudubtaa nidaamka 4.5, MD xasan Sheekh.
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay ka gudbi lahayd nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5,

Isagoo ku tilmaamay mid Uu waqtigiisa dhamaaday oo hor istaag ku ah dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan sinnaanta, cadaaladda, iyo hufnaanta.

Madaxweynaha oo ka hadlayay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb galay munaasabad lagu xusayay shirweynihii nabadda ee 2000, ayaa sheegay in nidaamka 4.5 uu Soomaaliya kusoo caawiyay xilli adag, balse uu ahaa xal ku-meelgaar ah oo aan sii shaqayn karin.

Madaxweynaha ayaa yidhi, 4.5 wuxuu yimid maalin aysan Soomaalidu waxba haysan, wuxuuna ahaa xal labo sano ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbo. Laakiin muddo dheer ayuu nagu qaatay, waxaana la joogaa xilligii aan dhisi lahayn nidaam ku dhisan hufnaan, cadaalad iyo midnimo qaran,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha iyo bulshada Soomaaliyeed inay ka saaraan siyaasadda danaha shakhsiga iyo qabiilka, si loo abuuro nidaam mideeya ummadda.

Wuxuu xusay in isbeddel dhab ah uu imanayo marka la dhiso dowlad ku saleysan karti iyo aqoon, halkii ay ku tiirsanaan lahayd nidaamyo ku dhisan tirada beelaha.

“Si aan uga gudubno 4.5 waa in aan meesha ka saarno siyaasadda qofka iyo qabiilka. Soomaaliya maanta waxay haysaa fursad ay ku qaaddo wadadii toosnayd ee dawladnimada casriga ah,” ayuu raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay goob taariikhi ah oo lagu xasuusto bilowgii dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in Carta maanta noqoto meel kale oo lagu diro fariin cusub oo ah “dib u dhiska nidaam mideeya qaranka.”


Share
Tags: Shirki cartawararka mantawararka somalia
Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti

Next Post

Fly Dubai oo joojisay dalabkii eVisa ee dadka u safraya Hargeysa

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

by Yasmin Jamal
November 18, 2025

Muqdisho – Wararka24: Waxaa sii kordhay doodda ku saabsan warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in ilaa...

Trump oo riixaya in Sacuudiga la siiyo arrin ka careysiisay Israa’iil..

Trump oo riixaya in Sacuudiga la siiyo arrin ka careysiisay Israa’iil..

by Yasmin Jamal
November 18, 2025

Madaxweyne Donald Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ku kulmay Qasriga Boqortooyada ee Riyadh, Saudi Arabia,...

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

by Abdirahman Dahir
November 13, 2025

Muqdisho – Wararka24: Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kasoo...

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

by Abdirahman Dahir
November 13, 2025

Kraaifontein – Wararka24: Warar cusub ayaa kasoo baxaya dil galinkii dambe ee shalay loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo...

arimaha dastuurka

Maxa Ka Soobaxay Kulanki Arimaha Dastuurka oo ay wada yeshen DF iyo Mamul Gobaledyada..

by Ahmed Nour
November 12, 2025

Wasiirka wasaaradda caddaalada iyo arimaha dastuurka XFS, Mudane Hassan macalin maxamud ayaa manta kulan layeshay wasiiradda dastuurka maamul...

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

by Abdirahman Dahir
November 10, 2025

Washington – Wararka24: Dacwadda u dhaxaysa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salmaan (MBS), iyo sarkaalkii hore ee sirdoonka...

Load More
Next Post
Fly Dubai oo joojisay dalabkii eVisa ee dadka u safraya Hargeysa

Fly Dubai oo joojisay dalabkii eVisa ee dadka u safraya Hargeysa

Samia Suluhu oo 98% ku guuleysatay doorashada Madaxtinimada Tanzania..

Samia Suluhu oo 98% ku guuleysatay doorashada Madaxtinimada Tanzania..

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arinta Omar Fateh.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arinta Omar Fateh.

Recommended

Deni oo dhaqan geliyay xeerka cusub ee la-dagaallanka argagixisada Puntland

Deni oo dhaqan geliyay xeerka cusub ee la-dagaallanka argagixisada Puntland

1 month ago
Mareykanka

Mareykanka oo Cadaadis Cusub Saaray Netanyahu + SABABTA

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Yareynaya Saameynta Imaaraadka ee Soomaaliya

6 months ago
Trump

Trump ayaa sheegay in Putin uusan ka qayb gali doonin wada-hadallada uu Ukraine ee Turkiga!

6 months ago
Siyaasadeed

Mucaraadka dowlada somalia oo war murtiyed soo saaray

6 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

6 months ago
Md xasan

MD xasan oo xilka ka qaaday xuseen macalim kadib fadeexadi markabka sea world.

4 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.