• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti
Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Billad Sharaf Qaran ku guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga mahadceliyay doorkiisa muhiimka ah ee taageerada, garab istaagga iyo dadaalka joogtada ah ee uu u muujiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Billaddan Sharafka ah ay astaan u tahay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay si gaar ah u qadarinayaan kaalinta taariikhiga ah ee Jabuuti ka qaadatay dib u heshiisiintii Soomaaliya, gaar ahaan Shirweynihii Nabadda ee Carta.

Hadal uu ka jeediyay xafladda lagu guddoonsiinayay billadda, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu tusaale u yahay hoggaamiye mideeya shacabka gobolka, isla markaana xoojiyay nabadda iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayo, islamarkaana Soomaaliya ay mar kasta garab taagan tahay Jabuuti sidii horeyba loogu heshiiyay iskaashi dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.